Puntland oo doomaha Kalluumeysiga Shisheeye hakisay marka laga reebo Boosaaso

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni

Xukuumadda Puntland ayaa go’aamisay in laga bilaabo maanta oo ku beegan 8-da Maarso 2020 si ku meel gaar ah loo hakiyay dhammaan doomaha Kalluumeysiga Shisheeyay ee ka jillaabta xeebaha Puntland.

Go’aankaas oo laga shaaciyay Shir ay xalay Garoowe ku yeesheen Golaha Wasiirada ayaa lagu sheegay mid looga hortago faafidda  caabuqa Coronavirus ee waayadan dambe dunida ku sii fidaya.

Mudada la hakiyay doomaha Kalluumeysiga Caalamiga ah ee Xeebaha Puntland ayaa lagu sheegay in ay tahay 30 cisho (Bil).

Sidoo kale mudadaasi waxaa la joojiyay in aysan doomaha Kalluumeysiga Shisheeye ku soo xiran Karin marsooyinka Puntland marka laga reebo dekedda magaalada Boosaaaso.

PUNTLAND POST