Swan oo ka digay isticmaalka Kalmad uu sheegay in lagu liido Haweenka Soomaaliyeed

Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, ayaa Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Awgeed, waxaa uu bogaadiyay dawrka haweenka Soomaaliyeed ay ka cayaareen horumarka dalka.

Haweenka Soomaaliyeed waxay waxqabad muhiim ah ka geysteen dib-u-dhiska Soomaaliya oo iyadu kusii socota tubta nabadda iyo xasilloonida. “Haweenka Soomaaliyeed waxay waxqabad muhiim ah ka geysteen dib-u-dhiska Soomaaliya oo iyadu kusii socota tubta nabadda iyo xasilloonida,” ayuu yiri James Swan.

Wakiilka Qaramada Midoobay, ayaa sidoo kale waxa uu nasiib-darro ku tilmaamay in mar kasta Haweenka dhibbanayaal lagu sheegay, halkii lagu tilmaami lahaa kuwa firfircoon oo muhiima, isagoo xusay in kalmadda dhibbane ay Haweenka Niyad-jab u keenayso, islamarkaana ay tahay in arrintaasi la joojiyo.

Nasiib darro, doodaha amniga ee khuseeya haweenka ayaa inta badan ku tilmaama inay yihiin dhibanayaal waana yartahay in lagu tilaamo inay yihiin wakiilo firfircoon oo muhiim u ah hagaajinta xaaladda amni ee naftooda iyo dadka kaleba. Waa in arrinkaas is-bedelo,” ayuu raaciyay.

Halkaan ka akhriso warbixinta oo dhan

PUNTLAND POST