Farmaajo oo martiqaad ka helay Uhuru

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta kulan kula qaatay Muqdisho Wasiirka Arrimaha Gudaha Dalka Kenya Fred Matiang’I iyo wafdi uu hoggaaminayo.

War-xasaafadeed ka soo baxay Villa Sooomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ajiibay martiqaad rasmi ah oo fidiyey Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, kaas oo ay soo gaarsiyeen wafdigan soo gaaray Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo kulan uu la qaatay wafdiga Kenya, waxaa ku wehelinayey Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Cabdulqaadir Sheekh Cali (Baqdaadi) iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade).

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa shantii bishan yeeshay wada hadal khadka Telefoonka ah, kadib xiisadii Beledxaawo, waxayna isla garteen in si wadajir ah labada dal ay uga wada shaqeeyaan sugidda nabadgalyada xuduudaha iyo guud ahaan xasilloonida gobolka, lagana fogaado wax walba oo keeni kara isfaham darro.

Sidoo kale labada Madaxweyne ayaa isla gartay in sida ugu dhakhsiyaha badan ay u wada fariistaan guddiyo ka socda Soomaaliya iyo Kenya, kuwaas oo ka shaqaynaya sidii loo xoojin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed iyo kan ganacsi ee labada dal.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta ay heshiis ka gaaraan khilaafka diblomaasiyadeed ee soo noqnoqda, waxaana muuqata in xiriirka labada dowladood uusan wali sal adag lahayn.

Xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya yaa heerkii ugu xumaa gaaray sanadkii lasoo dhaafay, kadib markii uu soo cusboonaaday muranka badda.

PUNTLAND POST