Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xalay Ciidamo ka tirsan Milateriga dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Al-shabaab ku dhexmaray degaan ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe.
Dagaalkan ayaa ka dhacay degaan lagu magacaabo Raaxoy oo ku yaalla inta u dhexeeysa Magaalada Jowhar iyo degmada Balcad halkaas oo Al-shabaab ay weerartay fariisimo ayku leeyihiin Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in weerarkii uga yimid dhanka Al-shabaab ay iska difaaceen isla markaana ay war hayeen weerarkaas inkastoo aysan faahfaahin ka bixin Khasaaraha ka dhashay.
Dadka degaanka Raaxoy ayaa soo sheegaya in xalay ay maqlayeen jugta rasaas xoogan oo ay isdhaafsanayeen Ciidanka dowladda iyo Al-shabaab, in kastoo aysan cadeyn karin Khasaaraha labada dhinac
PUNTLAND POST