Jubaland oo dil ku xukuntay Askari ka tirsan Ciidamada dowladda Federaalka

Maxkamada Ciidanka Jubbaland ayaa xukun dil ah ku riday Dable Bile Khaliif Xussein oo ka tirsan Ciidanka Militariga dowladda Federaalka qaybta 43-aad.

Askarigaas ayaa   5-3-2020 askari kale oo ka tirsan Ciidanka dowladda  ku dilay Xaafada Farjano  Ee Magaalada Kismaayo.

Marxuumka la dilay ayaa  lagu magacaabi jiray Aadan Dhicis Axmed.

Garsooraha Maxamed Ciidanka dowlad goboleedka Jubbaland Bashiir Maxamuud Xareed ayaa ku dhawaaqay in Askarigaas lagu riday Xukun dil ah.

PUNTLAND POST