Maxay aasayeen Raggii lagu qabtay degmada Eyl?

Haanta lagu aasayey xeebta EYL

Booliiska degmada Eyl ee gobolka Nugaal, ayaa mudda kooban  xabsiga dhigay saddex muuqaal-duube oo lagu qabtay, iyagoo haan daxalaysan ku aasaya xeebta degmadaasi Eyl.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Eyl oo diiday in magacyadooda la xigto, ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay, in saddexda nin ay haanta ka soo rarteen magaalada Garoowe, islamarkaana ku aasayeen xeebta Eyl, si ay degmada uga faafiyaan warar been-abuur ah oo la xiriira in haan sumaysan ka soo caariday xeebta.

Balse, saddexda muuqaal-duube oo aan weli la xaqiijin warbaahinta ay ka tirsan yihiin, ayaa ku dooday in ay halkaas u tageen Barnaamij wacyi-gelin ah oo ku saabsan khatarta haamaha sumaysan ee ka soo caarya xeebaha Soomaaliya, gaar ahaanna Puntland.

Sidoo kale, odayaasha iyo waxgaradka Eyl, ayaa raggaas la qabtay ku eedeeyay, in ay mashruuc ka soo qaateen hay’ado shisheeye, si ay degaanka uga faafiyaan warar been-abuura oo la xiriira in haan sumaysan ka soo caariday xeebta.

Saddexda muuqaal-duube oo mudda kooban halkaasi ku xirnaa, ayaa markii dambe la sii daayay, waxaana ay dib ugu soo laabteen magaalada Garoowe, inkastoo aysan ku guulaysan barnaamijkoodii Eyl.

©PUNTLAND POST