
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre oo Muqdisho uga qayb galay munaasabadda abaal marinta sanadlaha ah ee ganacsiga Soomaaliyeed ayaa ballan qaaday in dowladdu ay ganacsatada kala shaqeyneyso horumarinta ganacsiga.
“ In ganacsatada loo fududeeyo ganacsiga, laga qaado qabadaha hor yaalla si ay canshuurta u bixiyaan, canshuurtaas la bixiyayna iyada oo aamin ah loogu adeego ummadda Soomaaliyeed waa sida kaliya ee dowladnimadeennu ku hir-geli karto” ayuu raaciyay Ra’iisul Wasaaruhu.
Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sidoo kale waxuu sheegay in deyn cafintu ay meesha ka saareyso caqabadihii ku gudbanaa ganacsatada iyo dadka doonaya inay maal gashadaaan dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in dowlad aan ganacsatadeeda wanaajin ayan ummaddeeda wax u qaban karin sidoo kalana ganacsato aan dowladdeeda la shaqeyna aysan gaareyn horumar ganacsi.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.