Bangiga Adduunka oo Soomaaliya ugu deeqay 45 Malyan oo Dollar

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Fedraalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ka hadlayay munaasabad lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Bangiga Adduunku uu Soomaaliya ugu deeqay 45-Malyan oo dollar.

Isaga oo ka hadlayay arrintaas ayuu tilmaamay in bangiga dhexe ee Soomaaliya lagu soo shubay lacagtaas islamarkaana loo adeegsan doono arrimaha bulshada iyo kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka.

Lacagta baanka adduunka ka timid waxaa lagu dhisayaa kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka iyo in horumarin lagu sameeyo arrimaha bulshada ee dalka” ayuu yiri Kheyre.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa shaaciya in Soomaaliya ay dadaal badan ay ku bixisay cafinta deymaha lagu leeyahay taas oo qeyb ka ahayd caqabadaha ku taagan waddanka

PUNTLAND POST