Maxay khadka Telefoonka kaga wada hadleen Farmaajo iyo Uhuru?

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa yeeshay wada hadal khadka Telefoonka ah, kadib dhaleecayn ay maalmihii la soo dhaafay warbaahinta u sumarinayeen labada dal.

War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta ay khadka telefoonka ku wada hadleen, isla markaana isla garteen in si wadajir ah labada dal ay uga wada shaqeeyaan sugidda nabadgalyada xuduudaha iyo guud ahaan xasilloonida gobolka, lagana fogaado wax walba oo keeni kara isfaham darro.

Sidoo kale war-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in labada Madaxweyne isku afgarteen in sida ugu dhakhsiyaha badan ay u wada fariistaan guddiyo ka socda Soomaaliya iyo Kenya, kuwaas oo ka shaqaynaya sidii loo xoojin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed iyo kan ganacsi ee labada dal.

Dhanka kale ma jiro wax war ah oo ilaa hadda ka soo baxay dowladda Kenya oo looga hadlay wada hadalka la sheegay in ay yeesheen Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta.

Madaxtooyada Kenya ayaa shalay war ay soo saartay ku sheegtay in Soomaaliya ay ku xadgudubtay dhulka Kenya iyo madaxbannaanideeda.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta ay heshiis ka gaaraan khilaafka diblomaasiyadeed ee soo noqnoqda, waxaana muuqata in xiriirka labada dowladood uusan wali sal adag lahayn.

Xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya yaa heerkii ugu xumaa gaaray sanadkii lasoo dhaafay, kadib markii uu soo cusboonaaday muranka badda.

PUNTLAND POST