Madaxweyne Qoor Qoor oo la kulmay Saraakiishii Ciidamada Ahlusunna

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor oo uu wehliyo Taliyaha Guutada 15-aad ee Qeybta 21-aad ayaa kulan gaar ah la qaatay Saraakiishii Ahlusunna ee Horaantii todobaadkan Sheekh Shaakir uu wareejiyay.

Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweyne Qoor Qoor ayaa lagu sheegay in Kulankaas looga hadlay kaalinta Ciidamada Ahlusunna ay ka qaadan karaan howsha sugida amniga iyo la dagaalanka Al-Shabaab.

Saraakiisha oo ka kooban dhammaan laamaha Ciidamada qalabka sida ayaa balan qaaday in ay diyaar u yihiin adeecida madaxda Galmudug iyo gudashada waajibaadka laga sugayo.

Madaxweyne Qoor qoor ayaa dhankiisa Saraakiishan ku booriyay in ay sii wadaan kaalinta laga sugayo ee ah ka qayb ahaanta dowladnimada iyo ka miro dhalinta yoolka ah in si wadajir ah looga saaro deegaanada ku jira Al-Shabaab.

PUNTLAND POST