Lix ka tirsan Xisbiyada ka dhisan magaalada Muqdisho, ee la baxay Madasha Xisbiyada Qaran, ayaa shaaciyay in ay ku midoobeen hal xisbi oo keliya.
War-murtiyeed ka soo baxay Shir mudda shan maalmood ah uga socday dalka Turkiga, ayay xisbiyadaasi ka sheegeen in ay ku midoobeen hal xisbi, islamarkaana ay doorashada Soomaaliya ee 2021-ka ay soo sharrixi doonaan hal musharrax oo keliya.
Madasha ku midoobay halka xisbi ayaa kala ah: xisbiga UDP, Xisbiga Himilo Qaran, Xisbiga Kulan, Xisbiga Horusocod, Xisbiga Ilays iyo Xisbiga Nabadda.
Madasha ayaa hawshaasi u saaray guddi ka kooban 12 qof, kuwaas oo ka shaqeyn doona sidii loo hirgelin lahaa midaynta Xisbiyadaas oo hal xisbi looga dhigi lahaa.
PUNTLAND POST