Dowladda Kenya oo ciidamo horleh keentay magaalada Mandheera

Kadib markii Madaxweynaha Kenya Uhura Kenyatta uu dowladda Federaalka  Soomaaliya Ku eedeeyay in ay ciidamo badan  geysay xadka ay wadaagaan labada dal ayaa waxa soo baxaya in ciidamo aad u fara badan oo ka tirsan Kenya ay soo buux dhaafiyeen magaalada Mandheera.

Dhaqaaqyo militari oo iska soo horjeeda ayaa saakay laga dareemayaa magaalada Mandheere ee gobolka waqooyi bari Kenya.Cabsi xoog leh ayaa soo wajahday dadka shacabka ah ee Ku nool magaalada Mandheere, iyagoona ka cabsi qaba in dagaal culus uu halkaasi ka dhaco.Wararka ayaa intaasi waxaa ay Ku darayaan in maamulka Jubbaland ay ciidamo kale geysay magaalada Mandheere ee gobolka waqooyi bari Kenya.

Magaalada Mandheere ayaa ka taagan xiisad colaadeed, taasi oo ka dhalatay, kadib markii wasiir Janan iyo ciidamo uu wato ay Ku sugan yihiin magaalada Mandheere, xili ay dowladda Soomaaliya ay doonayso in gacanta Ku soo dhigto wasiirka amniga ee maamulka Jubbaland Cabdi rashiid Janan.

Dhowaan ayay ahayd markii ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland uu dagaal culus Ku dhexmaray inta u dhexaysa magaalooyinka Mandheere iyo Beledxaawo.

PUNTLAND POST