Yemen: Xuutiyiinta oo dil toogasho ah ku xukumay in ka badan 30 xildhibaan

Maxkamad ay leeyihiin Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa dil toogasho ah ku xukuntay in ka badan 35 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka dalkaasi Yemen.  

Xuutiyiintu waxaa ay xildhibaanadaan  ku eedeyeen in hantidooda loo adeegsado dagaalka ay dowladda Yemen uga  soo horjeedo Xuutiyiinta taas oo ay taagero uga helayso dawalado kale oo ka tirsan caalamka.

Dhinaca kale waxaa ay kooxdani ay sheegeen in xidhibaanadani ay ugu digeen in ay dhaqaale ku bixiyaan dagaalka ay dawladdu ku hayso mucaaradka balse ay ka dhega adageen.

Maxkamada Maanta xukunka ku riday xidhibaanadda ayaa ah mid gaar ah oo ay Xuutiyintu ku maxkamadeeyaan dadka ay u arkaan in  jiritaankooda ay caqabad ku yihiin.

PUNTLAND POST