
Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug.
Wefdiga wasiirka oo ay qeyb ka yihiin Guddoomiyaha Guddiga dastuurka ee Baarlamanka Soomaaliya Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid), Siyaasiyiin iyo xubno kale ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb kusoo dhaweeyey Madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo qaar ka mid ah maamulka.
Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Soomaaliya iyo xubnaha ku wehliya socdaalkiisa ayaa lagu wadaa in ay wada hadallo ku aaddan dastuurka la qaataan madaxda ugu sarraysa Galmudug.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.