Madaxweynaha Galmudug oo Kormeer Ku Tegay Goobo Kala duwan oo ku yaalla dhuusamareeb

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo mas’uuliyiin kala duwan oo weheliya ayaa xalay korrmeer ku tegay Goobo kala duwan oo ku yaalla Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa inta uu ku guda jiray Kormeerka waxaa uu la caweeyay bulshada Magaalada Dhuusamareeb isla markaana waxaa uu ka dhegaystay talooyin ay u soo jeediyeen.

Qoraal ka soo baxay Xafiiskiisa ayaa lagu sheegay in Sidoo kale Madaxweynuhu u kuurgalay xaaladda amni iyo dhaqdhaqaaqa ganacsi ee Magaalada.

Kormeerka xalay uu sameeyay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa ku soo beegmay maalmo kadib markii dowladda Federaalku xoog ku muquunisay maamulkii Ahlusunna ee isaga ka horjeeday.

PUNTLAND POST