Madasha Xisbiyada Muqdisho oo laga sugayo mowqifkooda doorashada 2021-ka

Maanta oo Arbaco ah, waxaa la filayaa in dalka Turkiga lagu soo geba-gabeeyo, shir ay halkaas ku leeyihiin madaxda ugu sareysa Madasha Xisbiyada Muqdisho, kaas oo looga hadlayo xaaladda siyaasadeed ee dalka Soomaaliya.

Shirkaas ayaa la sheegay in qodobo laga soo saari doono, kuwaas oo Madashu ay ku muuji doonto mowqifkooda ku aadan doorashooyinka dalka kusoo wajahan ee sannadka 2021-ka

Qodobada ku xusan go’aanada ka soo baxaya shirka Madaxsha Xisbiyada uga socda Turkiga, waxaa la sheegay in ay ku qotomaan dhinacyada siyaasadda, amniga iyo doorashooyinka.

Xubno ka qeyb gelaya shirkaas, oo ka tirsan Madasha Xisbiyada Muqdisho, ayaa laga soo xigtay in shirka lagu soo hadal qaaday waxa ka hir galay balamihii ay wada galeen madaxweynayaashii hore ee dalka iyo madaxweynaha haatan Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

PUNTLAND POST