Khilaafka siyaasadeed ee dalka oo saameeyey hannaanka dib u habeynta Maaliyadda

Puntland iyo Jubbaland ayaa si maldahan u diiday ka qeybgalka shir dhawaan ka dhici lahaa Baydhabo oo looga hadli lahaa hannaanka Maaliyadda iyo arrimaha deyn cafinta Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa lagu codsatay in muddo bil ah dib loo dhigo shirkaas oo 7-da bishan ka furmi lahaa magaalada Baydhabo ee xarunta KMG, Koonfur Galbeed.

Wasaaradda Maaliyadda Puntland waxay codsigaas ku sababaysay inay ay ku mashquulsan tahay qabashada shirka Wadatashiga Puntland oo 15-ka bishan ka furmaya magaalada Garowe.

Sidoo kale war ka soo baxay Wasaaradda Maaliyadda Jubbaland ayaa lagu sheegay in la hakiyey ka qeybgalka shirarka looga arrinsanayo arrimaha Maaliyadda iyo deyn cafinta ee hormuudka ka tahay dowladda Federaalka Soomaaliya, inta la joojinayo wax lagu sheegay colaad iyo xayiraad ay dowladda Federaalku ku heyso Jubbaland.

Shirarka looga hadlo arrimaha Maaliyadda iyo deyn cafinta Soomaaliya ayaa horey uga dhacay qaar kamid ah magaalo madaxyada dowlad goboleedyada iyo sidoo kale dalalka Kenya, Itoobiya iyo Yugaandha, waxaana ka qeybgali jiray Federaalka, dowlad goboleedyada iyo wakiilo ka socda Beesha Caalamka.

Diidmada Puntland iyo Jubbaland ee shirka Baydhabo ayaa lagu macneyn karaa khilaafka meesha xun gaaray ee u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah dowlad goboleedyada.

Hoos ka akhriso qoraalada ay soo saareen Puntland iyo Jubbaland


PUNTLAND POST