Booliiska Koonfur Galbeed oo qabtay nin isku qarxin lahaa magaalada Baydhabo

Ninka is qarxin lahaa ee la qabtay

Taliska Booliska dowlad goboleedka Koonfur  Galbeed Soomaaliya ayaa magaalada Baydhabo kusoo bandhigay nin sida la sheegay doonayey in uu isku qarxiyo gudaha magaaladaas.

Ninkaas oo magaciisa lagu soo koobay Isaaq ayaa saraakiishu waxay sheegeen in lagu soo qabtay howlgal ay sameeyeen ciidanka Ammaanka ee magaalada Baydhabo.

Eeedaysanah waxaa la sheegay in uu xirnaa jaakad ay ku rakiban yihiin waxyaabaha qarxa, qori AK47 ah iyo booshkiisa.

Taliska Booliiska magaalada Baydhabo ayaa sidoo kale warbaahinta u sheegay in uu isku soo dhiibay sarkaal kale oo muddo dheer ka tirsanaa Al-Shabaab.

Sarkaalka oo magaciisa lagu sheegay Aadan Ibraahim ayaa isu soo dhiibay ciidamada isagoo ku hubaysan qori AK47 ah iyo bastoolado sida ay sheegeen Booliiska.

PUNTLAND POST