Wasiir Cawad oo la kulmay Ra’iisul wasaaraha Suudaan

Cawad iyo Hamdok

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta oo Axad ah booqasho sharafeed ugu tagay Ra’iisul Wasaaraha dalka Suudaan Dr. Abdalla Adam Hamdok.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiir Cawad ayaa lagu sheegay, in Intii ay ku guda-jireen kulanka ay ka wada-hadleen xiriirka laba geesoodka ee labada dal ee Soomaaliya iyo Suudaan, kaas oo ka turjumaya daacadnimada rabitaanka iyo waxtarka dadaalka lagu horumarinayo iskaashiga wadajirka iyo muhiimadda ay leedahay isku duwidda.

Sidoo kale, qoraalkaas ayaa lagu xusay in Xiriirka Soomaaliya iyo Suudaan uu yahay mid lagu garto xushmad is-dhaafsi, is oggolaansho dhowr arrimood oo heer caalami ah iyo mid goboleed oo labada dalba muhiimad gaar ah u leh.

PUNTLAND POST