
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda FederaalkaSoomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ku sugan Magaalada Washinton ee caasimada Maraykanka ayaa la kulmay Agaasimaha Fulinta Hey’adda lacagta aduunka Kristalina_Georgieva.
Wasiirka oo u waramayay Warbaahinta ayaa sheegay in kulankaasi uu la yeeshay Agaasimaha guud ee Hay’adda Lacagta Aduunka Kristalina_Georgieva uu ahaa mid muhiim ah.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Waxaan uga mahadceliyay hogaaminteeda wanaagsan iyo dadaalkii ay Hey’adda Lacagta Aduunku ka soo qaadatay dib u habeynta Maaliyaddeena iyo hannaanka deyn cafinta Soomaaliya”
Wasiirka ayaa sheegay in dhammaan hay’adaha Caalamka iyo IMF uu u xaqiijiyay in dowladda Soomaaliyeed ay ka go’antahay talaabo kasta oo lagu horumarinayo dhaqaalaha Soomaaliya iyo isbedelka Maaliyadda.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.