Maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Nugaal, ayaa maanta oo Arbacada ah mar kale dhegaysanaysa, dacwadda loo haysto 7 nin oo ku eedaysan Kiiska AUN Hodan Axmed Maxamed Shanlayste.
Hodan Shanlayse, waxay ahayd gabar xaas ah oo 10-kii April 2019 kufsi iyo dil loogu gaystay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.
Maxkamadda ayaa saddex jeer oo hore dib u dhigtay Kiiska, kadib codsi uga yimid qoyska Hodan Shanlayste oo dalbaday in dib loogu dhigo Kiiska, inta uu ka imaanayo aabbaha dhalay marxuumadda.
Axmed Maxamed Shanlayste, oo dhalay marxuumadda ayaa haatan ku sugan magaalada Garoowe, si uu goob-joog uga noqdo kiiska.
PUNTLAND POST