Faahfaahin: Dagaal Puntland iyo Somaliland ku dhexmaray Sanaag

Faahfaahin ayaa ka soo baxaysa iska hor-imaad saaka ku dhexmaray gobolka Sanaag ciidamo ka kala tirsan Puntland iyo Somaliland.

Iska hor-imaadka ayaa saaka ka dhacay meel u dhow Yube, ilo wareedyo madax bannaan ayaa Puntland Post u sheegay in afar askari oo labada dhinac ah ay ku dhintay dagaalkaas, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan.

Dhanka kale qoraal ka soo baxay Taliska ciidamaa Somaliland ayaa lagu sheegay in saaka subaxnimadii hore degaanka Kadhada oo 18 KM u jira tuulada Yube ee gobolka Sanaag uu ka dhacay ka dagaal u dhaxeeya ciidamo ka kala tirsan Somaliland iyo Puntland.

Somaliland ma sheegin khasaaraha ka dhashay dagaalkaas, balse waxay tilmaantay in ay hub iyo gaadiid ku qabsatay.

Puntland ayaa ilaa iyo hadda ka hadlin dagaalka saaka ka dhacay meel u dhow degaanka Yube ee gobolka Sanaag.

Degaanka lagu dagaalamay ayaa hadda degan, balse waxaa jira gurmadyo labad dhinac soo gaaraya.

Shalay ayey ahayd markii degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag uu iska hor-imaad hal askari ku dhintay ku dhexmaray Somaliland iyo Puntland.

Tan iyo sanadii hore 2019, dhowr jeer ayaa gobolka Sanaag dagaal ku dhexmaray Puntland iyo Somaliland.

PUNTLAND POST