
Somaliland ayaa walaac ka muujisay jabhada SSC-da cusub oo si weyn uga soo horjeeda, taas oo ku xoogeysanaysa degmada Buuhoodle.
Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryaynta Somaliland Cabdirashiid Ducaale Qanbi oo maanta warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa sheegay in jabhad nin dhalinyaro ah hoggaamiyo oo dhaqaale xoogan isticmaalaysa ay Buuhoodle iyo deegaanada ku dhow ka wado abuubul xoogan.
Sidoo kale Wasiir Qanbi ayaa ka dhawaajiyey in jabhada Buuhoodle uu ku soo biiray Faysal Falaalug oo horey ciidamada Somaliland weeraro gaadmo ah kaga soo qaadi jiray aaga Laascaanood.
Wasiirka Howlaha ee Somaliland ayaa eedeyn aan cadeymo wadan u jeediyey shirkadda shidaalka ee HASS, wuxuuna tilmaamay in ay taageerto jabhada Buuhoodle.
Basle maamulka shirkadda HASS oo ka jawaabay eedeynta Wasiirka Howlaha Guud ee Somaliland ayaa ku tilmaantay mid aan sal iyo raadtoona la ahayn.
Madaxa shirkadda HASS Cabdirisaaq Ibraahim ayaa sheegay in Wasiirka Howlaha Guud ee Somaliland ay uga baahan yihiin caddayn, haddii kale ay sharciga la tiigsan doonaan.
Sidoo kale Cabdiraxmaan Qorjoof oo ka tirsan maamulka HASS oo Wasiirka Howlaha Guud ee Somaliland uu magaciisa ka sheegay warbaahinta ayaa tilmaamay in Wasiir Qanbi uu shaxaad uu ka waayey dartiis sumcadooda u dilayo.
Shirkadda HASS ayaa kamid ah shirkadaha ugu waaweyn ee shidaalka keena Soomaaliya.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.