Madaxweyne ku xigeeka maamulka Hirshabeele ahna Kusimaha Madaxweynaha Cali Cabdullahi Xusseen ( Guudlaawe) ayaa sheegay in maamulka Hirshabeelle ay diyaar u yihiin in ay doorasho qof iyo cod ay ka dhacdo dalka.
Madaxweyne Ku xigeenka ayaa waxa uu Sheegay in maamulka Hirshabeele ay taageersan yihiin sharciga doorashooyinka oo dhawaan labada Aqal ee Baarlamaanka Somalia ay ansixiyeen isla markaana uu saxiisay madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Hadalkaas auu Guudlaawe ka sheegay kulan ku saabsanaa wacyi gelinta doorashooyinka heer Federaal kaasi oo lagu qabtay Magaalada Jowhar.
PUNTLAND POST