Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Hassan Cali Kheyre iyo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Saadiq Warfaa ayaa maan si wadajir ah xariga uga jaray xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo dib u dhis lagu sameeyay.
Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ka hadlay munaasabadda xarig ka jarka ayaa sheegay in xaruntan tahay goob muhiim ah, isla markaana loogu adeegi doono shacabka Soomaaliyeed.
Dhinaca kale Wasiir Saadiq Warfaa ayaa sheegay in xarunta Wasaaradda ay qarax ku burburiyeen Al-shabaab, hayeeshee haatan dib u dhis ballaaran lagu sameeyay, isagoona u mahadceliyay inta ka qeyb qaadatay dhisamaha xarunta.
Dhismahan waxaa 23-kii bishii Maarso ee sanadkii hore 2019 weerar loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey ku qaaday Al-shabaab, iyadoo sidoo kale ay gudaha u galeen dagaalyahano ka tirsan ururkaas.
Weerarkaas waxaa ku geeriyooday askar iyo mas’uuliyiin dowladeed oo ka mid ahaa Wasiir ku xigeenkii Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaaha Xildhibaan Saqar Ibraahim Cabdala.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.