Jadwalka Xulista Xildhibaannada Koonfur Galbeed oo la shaaciyay

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Lafta Gareen

Guddiga Farsamo ee soo xulidda Xildhibaannada Baarlamanka labaad Koonfur galbeed, ayaa shaaciyay jadwalka soo xulista xildhibaannada cusub.

Diiwaan-gelinta odayaal dhaqameedka iyo ku tababaridda hannaanka soo xulidda xildhibaannada cusub, ayaa socon doonta inta u dhexaysa 26-29 bishaan February 2020, sida ku cad shaxda uu soo saaray guddigaas.

Waxaa kale oo shaxda ku xusan, in soo xulista iyo diiwaan-gelinta xildhibaannada Baarlamanka labaad ee Koonfur Galbeed, ay  socon doonto inta u dhexaysa 1-10 bisha soo socota ee Maarso 2020.

Sidoo kale, 11-15  bishaas Maarso, waxaa loo qorsheeyay xallinta, haddii  khilaafaad ka yimaado xulista Baarlamanka cusub.

16-19 Maarso 2020, waxaa qorshaysan ku dhawaaqista, dhaarinta iyo hawlgelinta xildhibaannada la soo xulay.

PUNTLAND POST