Hormuud: Maraykanku wuxuu duqeyn ku dilay maamule ka tirsan Shirkadeena

Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa si rasmiya u xaqiijisay in maamule ka tirsanaa Shirkaddaasi lagu dilay duqeyn Maraykanku ka fuliyay nawaaxiga degmada Jilib ee gobolka Jubada dhexe.

Cadnaan Xaaji Cali oo ka tirsan Shirkadda Hormuud ayaa VOA-du ka soo xigatay in qofka duqeyntaas ku dhintay uu ahaa maamulihii shirkadda Hormuud ee degmada Jilib Maxamuud Xaaji Salaad.

Sidoo kale Cadnaan ayaa xaqiijiyay in shakhsiga la dilay uusan wax xiriir ah la lahayn malayshiyaadka Al-shabaab balse uu tan iyo markii la as’aasay  ka shaqeynayay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud.

Warkaas ayaa ku soo beegmay saacado kadib markii Militariga Maraykanku sheegay in ay nawaaxiga Jilib ku dileen sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab islamarkaana wax rayid ah aysan dhibaato soo gaarin.

PUNTLAND POST