GEDO: Jubaland oo sheegtay in dowladda Soomaaliya ay bara-kicisay in ka badan 15,000 oo Rayid ah

Sawirkan waa mid hore

Dowlad goboleedka Jubaland, ayaa ku dhawaaqday in xaalad banii’aadanimo oo daran ay ka dhalatay, duullaankii ciidan ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku qaadday degmooyin ka tirsan gobolka Gedo.

War-saxaafadeed ka soo baxay, Shir deg deg ah oo ay isu’gu yimaadeen mas’uuliyiinta labada gole ee dowlad goboleedka Jubaland, ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay jabhad hubaysan ka samaysay degmooyinka gobolka Gedo, si loo wiiqo awooddii maamul ee Jubaland ku lahayd gobolkaasi.

Jabhadda hubaysan oo hoostagta  hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka dowladda Federaalka Soomaaliya ee NISA, ayaa gobolka Gedo ku  bara-kicisay in ka badan 15,000 oo qof, kuwaasi oo ay soo wajahday xaalad adag iyo biya la’aan daran, sida lagu sheegay War-saxaafadeedka Jubaland.

Sidoo kale, Jubaland waxay sheegtay in jabhaddaas ay caqabad ku noqotay gargaarkii banii’aadanimo ee la gaarsiin lahaa dadkaasi bara-kacay, kadib markii ay is hor-taag ku sameeyeen diyaarad samafal oo halkaasi kaalmo banii’adanimo gaarsiin lahayd.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka oo dhan

PUNTLAND POST