Malayshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, ayaa la sheegay in xalay ay sadex Gudoomiye waaxeed ku dileen degmada Bardheere, kuwaasi oo ay midkood gowraceen
Al-shabaab ayaa xalay gudaha u galay degmada Baardheere, islamarkaana hawlgal saacado kooban qaatay ay ka fuliyeen gudaha degmadaaas.
Cabsi xoog leh ayaa saakay laga soo sheegayaa in ay ka jirto degmada Baardheere ee gobolka Gedo, taasi oo soo wajahday dadka shacabka ah ee ku nool halkaas.
Saddexda mas’uul ee ka tirsanaa maamulka degmada Baardheere oo Al-shabaab dishay ayaan weli la shaacin magacyadooda.
PUNTLAND POST