Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM), ayaa lagu faah faahiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyay gobolka Jubbada Dhexe.
Qoraalka Africom ayaa lagu sheegay ,in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya, ay shalay oo ku beegnayd 23/2/2020 ay duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen tuulada Dujuumma oo qiyaastii 6Km u jirta magaalada Bu’aale ee Gobalka Jubbada Dhexe,isla markaana ay la beegsadeen Xarumo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.
Weerarkaas ayaa Mareykanka waxa uu sheegay in ay ku dhawaceen Saddex Xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab,sidoo kalena ay ku taageerayeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee dagaalka kula jira Ururka Al-Shabaab,sida uu sheegay Janeraal Gregory Hadfield, ku xigeenka Agaasimaha sirdoonka Mareykanka ee Taliska Mareykanka ee Qaarada Afrika.
Qoraalka Mareykanka waxa kale oo lagu sheegay in la sii wadi doono howlgallada ka dhan ah Ururka Al-Shabaab si loo yareeyo awoodooda.
Todobaad gudihiis ayaa Mareykanka oo kaashanaya Ciidamada Dowladda Soomaaliya waxaa uu duqeyn ka fuliyey degaano ka tirsan gobolka Jubbada dhexe,waxaana xusid mudan in gobolkaas ay intiisa badan gacanta ku hayaan Al-Shabaab,hayeeshee dowladda Soomaaliya iyo Jubbaland ay wadaan sidii ay ula wareegi lahaayeen.
PUNTLAND POST