Loolan siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo ka dhashay dhagax laga qaaday Hiiraan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maalin ka hor duleedka Muqdisho ku qabatay dhagax la aaminsan yahay in uu aad qaali u yahay oo laga soo qaaday degaanka Ceel Cali ee gobolka Hiiraan.

Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya dhagaxan, wararka qaar ayaa sheegaya in ganacsato ay dhagaxan lacag dhan $264,000 oo doolar uga soo iibsadeen Al-shabaab, ayna doonayeen inay iskood usii iib geystaan, halka warar kale tilmaamayaan in dad u adeegaya Shabaab ay soo qaadeen dhagaxan ayna ku howlanaayeen sidii ay ugu iib geyn lahaayeen.

Dhagaxa laga soo qaaday Ceel Cali

Dhagaxan oo aad u culus ayaa la sheegay in degaanka Ceel Cali yaallay muddo qarniyo ah, dhawaana lagu galay dagaal khasaaro dhimasho iyo dhaawac dhaliyey, degaanka waxaa ka taliya Al-shabaab.

Dhagaxan waxaa ka dhashay loolan siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo u dhaxeeya siyaasiyiin ka soo jeeda beelaha dega gobolka Hiiraan.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, Xildhibaan Maryan Axmed Haaruun iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa dowladda federaalka ka dalbaday in ay dib ugu celiyaan dhagaxan dadkii lahaa oo ay sheegeen in ay si xoog ah uga soo qaateen Al-shabaab.

Sidoo kale siyaasiyiin kale oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa difaacay qadiyada Ceel Cali looga soo qaaday dhagaxan, waxayna eedeyn kulul u jeediyeen siyaasiyiintii hore ee sheegay in xoog lagu soo qaaday.

Maxamed Maxamuud Ibraahim (Goodir) oo ah Xildhibaan hore iyo Ibraahim Maxamed oo ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa sheegay in dhagaxan ay soo iibsadeen ganacsato la macaamilay dadka deegaanka Ceel Cali.

Dhagaxan oo ay hadda gacan ku heyso dowladda Federaalka Soomaaliya, wali ma jiro baaritaan toos ah oo lagu sameeyey.

PUNTLAND POST