Baarlamaanka Puntland oo go’aan ka soo saaray murankii ku simaha Madaxweynaha

Kulankii Guddiga joogtada Baarlamaanka Puntland

Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiilada Puntland ayaa maanta war ka soo saaray murankii ka taagnaa cidda noqoneysa ku simaha Madaxweynaha, marka ay wada maqan yihiin iyo Madaxweynaha iyo ku xigeenka.

Go’aan ka soo baxay goor-dhaweyd Guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka Puntland ayaa lagu sheegay in hannaanka dawladda Puntland yahay Baarlamaani.

Guddiga joogtada ah waxay xuseen in uusan jirin qodob dastuur ah iyo xeer jideynaya in labada mas’uul isku mar ka wada maqnaadaan dalka, balse waxay sheegeen hadii ay dhacdo in awoodda ku simaha Madaxweynuhu ku wareegayso Guddoonka Golaha Wakiillada.

Sidoo kale go’aanka Baarlamaanka Puntland waxaa lagu sheegay in Golaha Wasiiradu ay xaq u leeyihiin in ay ka shiraan hawlaha ay u xilsaaran tahay Xukuummadu.

Hoos ka akhriso go’aanka Baarlamaanka Puntland

Go’aanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiilladda Dawladda Puntland ee fadhigoodii 23.02.2020.

KUSIMAHA GUDDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILLADU;

MARKUU ARKAY:- Dastuurka Dawladda Puntland Qodobada 2aad, 56aad, 81aad , 83aad iyo 132aad.

MARKUU ARKAY:- Xeerka Hab-maamuuska Dawladda Puntland ee Xeer Lr.5 ee 08/09/2005.

MARKUU ARKAY:- Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada qodobka 8-aad farqadiisa 18-aad.

MARKUU TIX-GELIYEY:-Go’aankii Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada DPL Fadhigiisii 8-aad ee 23/02/2020.

WUXUU GUDDOOMIYEY:-

1. In Hannaanka Dawladda Puntland uu yahay Baarlamaani, waxayna Golaha Wakiilladu awoodda Dastuurku siiyey ku doorteen Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka DPL.

2.Ma jiro Dastuur iyo Xeer jideynaya in labada mas’uul isku mar ka wada maqnaadaan dalka.

3.Sababkasta ha ku timaadee haddii ay labada mas’uul ay la soo gudboonaato arrinta ku xusan qodobka 2-aad waxay awoodda kusimaha Madaxweynuhu ku wareegaysaa Guddoonka Golaha Wakiillada sida ku cad qodobada Dastuurka & Xeerarka kor ku xusan.

4.Golaha Wasiiradu waxay xaq u leeyihiin in ay ka shiraan hawlaha ay u xilsaaran tahay Xukuummadu.

PUNTLAND POST