Qoraal uu ugu talogalay siyaasad dejiyayaasha ayuu machadka aragti rogrogista (think tank) ee SIDRA ku soo bandhigay dood ah in dhallinyarada Puntland ay ugu biiraan Al-shabaab “sababo aydiyoolajiyadeed” halka dhallinyarada gobollada kale ee koonfureed ugu biiraan ururka sababo “awoodeed” (empowerment).

SIDRA may qeexin macnaha ereyga aydiyoolijiyad. Su’aal ka mid ah su’aalaha ka dhashay qoraalka SIDRA ay soo saartay waa: muxuu machadku ugu baahday inuu kala soocid sababeed oo aan sal lahayn sameeyo haddii dhallinyarada ku biirta Al-shabaab fuliyaan shaqo kasta oo horjoogayaasha ururku u igmadaan dhallinyarada maskaxda laga xaday? Waa sir aan qarsoonayn in dhallinyarada iyo carruurta ku biira ururka badankood ay ku nool yihiin gobollada aan ka fogeyn Muqdisho iyo meelaha uu ururku ka taliyo oo uu adeegyo garsoor ka fuliyo.
Sanadkii 2016-kii buu ururka Al-shabaab weerar kadis ku soo qaaday Nugaal iyo Waqooyiga Mudug oo Puntland ay ka taliso. Maxaabiistii dhallinyarada iyo carruurta iskugu jirtay waxay ka soo jeedaan labada Shabeelle, Baay, Bakool iyo Galguduud. SIDRA waxay ku baaqday in wadahadal lala galo Al-shabaab.
Guuleed Saalax Barre, asaasaha iyo maamulaha fulineed ee SIDRA ahna guddoomiyaha Guddiga Ku-meelgaarka Doorashooyinka Puntland waxaa horyaalla su’aalo ku saabsan sababta machadkiisu xogta aan runta ku salaysnayn uga qoray dhallinyarada iyo maamulka Puntland.
© Puntland Post, 2020
You must be logged in to post a comment.