Riek Machar oo loo dhaariyey madaxweyne ku xigeenka South Sudan

Munaasabadda madaxweyne ku xigeenka loogu dhaariyay Riek Machar ayaa ka dhacday aqalka madaxtooyada dalka South Sudan ee ku yaalla magaalada Jubba.

Munaasabadda waxaa goob joog u ahaa Madaxweyne Salvakir iyo Madaxa golaha madaxa bannaan ee Sudan Abdel Fatah Al-Burhan.

Seddex madaxweyne ku xigeen oo kale oo uu yeelanayo dalka South Sudan ayaa sida oo kale lagu dhaariyey.

Madaxweyne ku xigeennada seddexda ee la dhaarinayana waxaa ka mid ah xaaski madaxweynihi hore John Garang ee Rebeca Garang.

Madaxweynenku xigeenka kalana wuxuu ka imanayaa isnbahaysiga xulafada mucaaradka ee isbahaysatay balse weli xulafada iskuma waafaqin cidda ay xilkasi u dhiiban lahaayeen.

PUNTLAND POST