Puntland oo xustay 50-guurada as’aaska Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta,Dastuurka iyo Dhaqan Celinta Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Puntland Cawil Shiikh Xaamud ayaa Caawa Ka Qayb galay Munaasabada Xuska 50-guurada as’aaska Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed.

Kulanka oo lagu qabtay xarunta Taliska Guud ee Ciidamada Asluubta Puntland, waxaa sidoo kale ka qayb galay xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda, Taliyaha Ciidamada Asluubta Dowladda Puntland Gen. Cali Nuur Cumar, Xeer- ilaayaha guud ee dowladda Puntland Maxamuud Xasan Aw-cismaan, Saraakiil Ciidan,Xubno ka socday Bulshada Rayidka iyo Marti sharaf kale.

Mas’uuliyiintii kala duwanaa ee ka qeyb-galay Xuska ayaa ka sheekeeyay Taariikhda as’aaska Ciidamada Asluubta Soomaaliya, waxaana ay hambalyo iyo bogaadi u direen Talisyada kala duwan ee Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed gaar ahaanna kuwa Puntland.

PUNTLAND POST