Xisbiyada Mucaaradka Somaliland oo doorasho deg deg ah ku baaqay

Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Soomaaliland ayaa waxaa shir ku yeeshay Xisbiyada Mucaaradka Soomaaliland ee Wadani iyo UCID, waxana inta uu shirka socday looga hadlay xaalada maamulkaas.

Guddoomiyaha Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Ciro oo warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa Madaxweyne Muuse Biixi ku eedeeyay in uu noqday keligii-taliye, isla markaana uu burburtay dowladnimadii Maamulka Somaliland.

Sidoo kale Guddoomiye Ciro ayaa waxaa uu tilmaamay in xaalada degaanada Somaliland haatan ay marayso meel xun uuna Muuse Biixi burburiyay Dastuurka u degsan Somaliland.

Isaga oo sii hadlaayay Guddoomiyaha Xisbiga Wadani ayaa waxaa uu ku baaqay in la qabto Doorasho Madaxweyne oo deg deg ah sanadkaan gudihiisa, wuxuuna Muuse Bixii uu xusay inuu ku fashilmay xilka.

PUNTLAND POST