Wasiirka ganacsiga Soomaaliya oo booqday Warshadaha ugu waaweyn Dalka Cumaan

Wasiirka ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa Maanta booqasho ku tagay xarumaha Wershadaha ugu waaweyn ee Dalka Cumaan.

Mudane Cabdullaahi Cali Xasan, waxaa booqashadiisa ku wehlinayay xubno ka tirsan Wasaaradda Gacansiga , Safiirka Soomaaliya u jooga Cumaan, Cabdiweli Cali Axmed (Jaylaani) iyo xubno kale.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa ugu horreyn booqday Warshadda soo-saarta Saliidda iyo Warshadda soo-saarta sidoo kalena farsamaysa fiilooyinka xambaara Internet-ka laga isticmaalo Wadankaasi.

Wasiirka, ayaa madaxda Warshadahan kala hadlay siddii ay u maal-gashan lahaayeen Soomaaliya, waxaana uu ku dhiiri-geliyey inay faracyo warshadahan oo kale ah ka furtaan gudaha Dalka Soomaaliya.

Dhanka kale, Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, waxa uu la kulmay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka ee Saldanada Cummaan Md; Axmed Bin Maxamed Al-Futaisi ahna guddoomiyaha shirkadda ASYAD oo ah shirkad maamusha Dekadaha iyo goobaha ganacsiga xorta ah.

Labada Wasiir, ayaa waxay ka wada hadleen siddii ay iskaga kaashan lahaayeen ganacsiga Gaadiidka iyo sidii loo heli lahaa duulimaad toos ah oo isku xira Oman iyo Soomaaliya.

PUNTLAND POST