
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in loo haabanyahay in dib-u-habeyn ballaaran lagu sameeyo hannaanka caddaaladda dalka oo ah jiridda dowladnimadu, si loo helo nidaam dowladeed oo isu dheelli tiran.
Ra’iisul Wasaaraha oo ka qayb galay munaasabdda xuska sanad guurada 50aad ee aasaaska ciidanka asluubta Soomaaliyeed, ayaa sheegay in guulo wax ku ool ah laga gaaray dib-u-habeyntii lagu sameeyay amniga dowlad wanaagga iyo dhaqaalaha, loona baahanyahay in dib-u-habeynta caddaaladda in lagu dadaalo.
Waxuu Ra’iisul Wasaaruhu intaa raaciyay in si cadaalladda loo horumariyo ay muhiim tahay in la iska kaashado ka gudbidda dhammaan caqabadaha, ciidanka qarankuna ay noqdaan albaabka cadaallada laga gelaayo, maadaama bulsha aan cadaalad heysan, ayan heli karin midnimo, kalsooni, horumar, qab-weyne, is-aaminaad iyo dhiirranaan.
Ra’iisul Wasaaraha oo u hambalyeey ciidamada asluubta iyo qoysaskooda ayaa sheegay in ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ay shaqadoodu tahay toosin, barbaarin, anshixin, wacyi gelin, dib-u-caawin dad Soomaaliyeed oo si ay noloshu uga qaldantahy, kuna soo celiyaan bulshada si ay uga qayb qaataan dib-u-dhiska iyo dib-u-yagleelidda qarannimada Soomaaliyeed.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.