Kiiskii Hodan Shanlayste oo mar kale dib loo dhigay

Garsoorayaasha maxkamadda Garoowe

Maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Nugaal, ayaa maanta oo Sabtiya mar kale dib u dhigtay, gar-maqalka 7 nin oo ku eedaysan Kiiska Hodan Axmed Maxamed (Shanlayste).

Hodan Shanlayse, waxay ahayd gabar xaas ah oo 10-kii April 2019 kufsi iyo dil loogu gaystay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Xeer Ilaaliyaha guud ee dowladda Puntland Maxamuud Xassan Aw Cismaan, ayaa saaka maxkamadda ka hor akhriyay, codsi ka yimid qoyska marxuumad Hodan Shanlayste, oo dalbaday in dhegaysiga kiiska dib loogu dhigo mudda 4 maalmood ah.

Qoyska ayaa codsigooda ku saleeyay, in uu maqanyahay aabbaha dhalay marxuumad Hodan Hodan Axmed Maxamed, sidaas darteedna kiiska dib loogu dhigo, inta uu ka imaanayo Shanlayste, si uu goob joog uga noqdo maxkamadda.

Guddoomiyaha Maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Nugaal Cabdinuur Jaamac Xuseen, ayaa shaaciyay in mar kale dacwadda la dhegaysan doono maalinta Arbacada ah ee ku beegan 26-ka bishan February 2020.

PUNTLAND POST