Garoowe: Gar-maqalka Kiiskii Hodan Shanlayste oo maanta la dhegaysanayo

Maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Nugaal, ayaa lagu wadaa in ay mar kale maanta oo Sabtiya u fariisato, dhegaysiga Gar-maqalka eedaysanayaasha loo haysto Kiiskii Hodan Shanlayste.

Hodan Shanlayse, waxay ahayd gabar xaas ah oo 10-kii April 2019 kufsi iyo dil loogu gaystay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Maxkamadda derejada kowaad, ayaa 15-kii bishaan February la hor-keenay, 7 eedaysane oo loo haysto kiiskaasi Hodan Axmed Maxamed (Shanlayste), balse waxay dhegaysi kadib go’aamisay, in mar kale kiiska loo fariisto 22-ka February oo ku beegan maanta oo Sabtiya.

Kiiska Hodan, waa kii labaad ee noociisa ah, oo Puntland ka dhacay sannadkii 2019, waxaana baaritaankiisa loo adeegsanayaa Shaybaarka Dambiyada ee loo yaqaan Forensic laboratory.

Kiiskii Caa’isha oo kan ka horreeyay, ayaa isna loo adeegsaday Shaybaarka Forensic Lab, kaasi oo fududeeyay in lagu kala saaro 10 eedaysane oo kiiskaasi loo haystay.

PUNTLAND POST