Ganacsiga waqooyiga Gaalkacyo oo maalintii saddexaad xiran

Xarumaha Ganacsiga dhanka Waqooyi ee magaalada Gaalkacyo, ayaa maalintii saddexaad xiran, kadib markii ganacsatadu ay cabasho ka muujiyeen, canshuur dheeriya oo ay ku soo rogtay wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Ganacsatada Gaalkacyo, ayaa ka cabanayaa canshuurta iibka, taasi oo ay sheegeen in wasaaradda Maaliyaddu kaga qaadi jirtay  kastamyada oo keliya, haddana ay bilowday in ay mid labaad ka qaaddo xarumahooda ganacsiga ee ku yaalla magaalada.

Dhammaan goobaha ganacsiga waqooyiga Gaalkacyo, ayaa la xiray Khamiistii, waxaana ganacsatadu u yeertay warbaahinta, si ay cabashadooda u mariyaan, balse iyaga iyo weriyaashiiba xabsiga ayaa la dhigay, inkastoo saacado kadib la sii daayay.

Wasaaradda Maaliyadda Puntland, weli wax jawaab ah kama bixin, cabashada ka imaanaysa ganacsatada Gaalkacyo ee la xiriirta Canshuurta lagu kordhiyay.

Hoos ka eeg sawirada xaruma xiran

PUNTLAND POST