Malayshiyaadka Al-shabaab, ayaa si rasmiya u soo bandhigay, sawiro muujinaya Khasaarihii ay gaarsiiyeen ciidamada Militariga dowladda Soomaaliya, kadib weerarkii Al-shabaab ka fulisay Saldhiga degaanka Ceel Saliini ee gobolka Shabeellada Hoose.
Sawirada Al-shabaab soo bandhigtay, ayaa muujinaya malayshiyaadkooda oo si buuxda gacanta ugu haya Saldhiga Ceel Saliini iyo maydad aad u badan oo daadsan gudaha xeradaas, kuwaas oo Al-shabaab ay ku sheegtay askartii ciidamada Militariga dowladda Federaalka Soomaaliya.
Al-shabaab waxay sheegtay in ay ceel saliini ku dileen in ka badan 40 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda, islamarkaana qaar kale ay nolosha ku qabteen, hub fara badana ka qaateen saldhigaas Ceel Saliini.
Sidoo kale, sawirada waxaa ka muuqda malayshiyaadkooda oo gubaya qeyba kamid ah Saldhiga iyo qaar kale oo saran gaadiidkii dagaalka ee xeradaasi yaallay.
Al-shabaab ayaa saldhiga Ceel Saliini weerartay 19-kii bishaan February oo ku beegnayd Arbacadii todobaadkii hore. Saldhigaas oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose ayaa qiyaastii 55 KM u jra magaalada Muqdisho.
Hoos ka eeg sawirada qaar








PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.