Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya ayaa waxaa xalay Madaxtooyada Magaalada Muqdisho loogu sameeyay xaflad lagu soo xirayo Kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka.
Xildhibaanada oo muddo afartan cisho shaqada ka nasaya ayuu fasaxooda u bilowday maalintii Arbacada, waxaana lagu wadaa in Kalfadhiga 7aad uu furmo bilowga bisha April.
Xafladan ayaa waxaa ka qaybgalay Madaxda Dowladda Federaalka, Guddoonka Baarlamaanka, Golaha Wasiirada, Xildhibaanada Labada Aqal, Duqa Magaalada Muqdisho iyo marti sharaf kaloo lagu soo casuumay inay ka soo qaybgalaan.
Intii ay xafladda socotay ayuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu saxiixay Sharciga Doorashooyinka Qaranka, oo ay horey u soo meelmariyeen Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya.
Guddiga Madaxabannaan Doorashooyinka Qaranka oo Talaadadii la kulmay Madaxweyne Farmaajo ayaa ka codsaday inuu si deg deg ah u saxiixo Sharciga Doorashooyinka.
Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo xafladda ka hadlay ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Farmaajo tallaabada uu sharcigaasi ku saxiixay.
PUNTLAND POST