Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka dowladda Fedeaalka Soomaaliya Xaliima yareey iyo wefdi ay hoggaaminayso oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa halkaasi ka bilaabay kulamo la xiriira Hannaanka doorashooyinka 2021-ka.
Wefdiga ayaa kulamo la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug oo ay kala hadleen arrimaha doorashooyinka iyo sida ay u qabsoomi karaan iyada oo dadka la barayo hanaanka codeynta.
Guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka Federaalka ayaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug maanta ka daahfuray Ololaha wacyi galinta Bulshada Galmudug ee arrimaha Doorashooyinka Qaranka 2020-2021.
Sidoo kale xubnaha guddiga ayaa tegi doona degaano kale oo ka tirsan maamul gobaleedyada kaas oo ay kasoo sameyn doonaan kulamo wacyigelin ah oo looga hadlayo doorashooyinka dalka kusoo wajahan.
PUNTLAND POST