Goobaha ganacsiga waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, ayaa maanta oo Khamiis ah xiran, kadib markii ganacsatada magaaladu ay cabasho ka muujiyeen ,canshuur dheeraad ah oo ay ku soo rogtay Wasaaradda Maaliyadda Puntland.
Ganacsatada, ayaa ka cabanayaa canshuurta iibka, taasi oo ay sheegeen in wasaaradda Maaliyaddu horay ugaga qaadi jirtay kastamyada oo keliya, haddana ay bilowday in ay mid labaad ka qaaddo goobaha ganacsiga ee gudaha magaalada.
Qaar kamid ah Ganacsatada, oo maanta Warbaahinta isu’gu yeeray, si ay cabashadooda u muujiyaan, ayaa dhammaantood xabsiga loo taxaabay, inkastoo mudda kooban kadib xorriyadooda dib loogu celiyay.
Saddex weriye oo muuqaallo ka duubayay ganacsatada, ayaa iyana si kooban xabsiga loo dhigay, balse markii dambe la sii daayay. Cabdiweli jaamac Cagaarane, Axmed Caana-geel iyo Siciid Nadaara, ayaa sidoo kale sheegay in laga qaaday qalabkii ay wax ku duubayeen, islamarkaana jir-dil loo gaystay.
Dhinaca kale, Wasaaradda Maaliyadda Puntland weli wax jawaab ah kama bixin, cabashada ka imaanaysa ganacsatada Gaalkacyo ee ay ka muujiyeen canshuurta iibka.
©PUNTLAND POST
Cabdiraxmaan Ciise