Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay duqeyn ka dhacday degmada Jilib

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in iyada oo kaashanaysa Militariga Maraykanka ay duqeyn dhanka cirka ka fulisay degaanka Wadajir oo ka tirsan degmada Jilib ee gobolka Jubada dhexe.

Qoraal lagu daabacay Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in duqeyntaas oo aaad looga baaraan-degay lagu dilay saddex ka tirsan Mintidiinta Al-shabaab oo ku sugnaa degaanka Wadajir ee hoostaga degmada Jilib.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa bahwadaageeda Melatariga Dawlada Mareykanka ayaa weerar dhanka cirka ku qaaday mintidiinta AL-Shabaab deegaanka Wadajir ee u dhaw jilib, Soomaaliya.Duqeyntan oo aad looga baaraandegay ayaa waxa lagu dilay saddex ka mid ah mintidiinta Al-Shabaab” ayaa lagu yiri qoraalkaas.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in iyaga iyo Maraykanku ay taxaddar dheeriya ka muujinayaan in waxyeello soo gaarto dadka Rayidka ah ee ku sugan goobaha Argagixisada lagu duqeynayo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda Mareykanka ayaa qaada taxadar dheeri ah oo ku aadan ka hortagga waxyeelada rayidka inta lagu gudajiro ladagaalanka kooxda argagaxisada ah iyada oo si buuxda loo baarayo eedaymaha lasoo wariyo.”

PUNTLAND POST