Aaden Barre oo lagu eedeeyay in uu cunta dhacday ka qeybiyay xarunta Agoonta Garissa

Aadan Barre Ducaale oo ah Hoggaamiyaha aqlabiyada Baarlamaanka dalka Kenya ayaa loo jeediyay eedaymo la xiriira in uu cunto dhacday u qeybiyay carruur ku jirta xerada Agoonta magaalada Garissa.

Balse Aadan Barre Ducaale oo ka jawaabay eedayntaasi ayaa sheegay in aysan jirin cunto dhacday oo uu qeybiyay carruurta ku xeraysan Xarunta xannaaneynta Aqoonta ee Garissa.

Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa  magaalada Nairobi  ayaa Booliiska dalkaasi ka soo xigtay in ay u yeereen Aadan Barre si laanta C.I.D wax uga weydiiso eedaymaha loo jeedinayo ee la xiriira in uu cunta dhacday qeybiyay.

Laakiin Aadan Barre ayaa isna sheegay  in uu Khadka Taleefonka kula hadlay Taliyaha Booliska Wajeer kaasi oo u sheegay in wax dacwad ah laga soo gudbin.

Sidoo kale dacwadda la xiriirta in Aadan Barre uu cunta dhacday qeybiyay ayaan wax faahfaahin sii dheer ah laga bixin.

PUNTLAND POST