Puntland oo hakisay Shaqada Shirkadaha XAJKA IYO CUMRADA

Dowladda Puntland ayaa si rasmiya shaqada uga hakisay dhammaan Shirkadaha ka shaqeeya Arrimaha Xajka iyo Cumrada ee ku sugan degaannada Puntland, inta laga hubinayo habsami-u-socodka Shaqadooda.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska wasiirka Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Dastuurka iyo Dhaqan-celinta Puntland dowladda Cawil Sheikh Xaamud Maxamed, ayaa lagu hakiyay shaqada dhammaan Shirkadaha ka shaqeeya Arrimaha Xajka iyo Cumrada ee ku sugan degaannada Puntland, inta laga hubinayo habsami-u-socodka Shaqadooda.

Wasiirka ayaa ku amray Shirkadaasi, in ay mudda 7 cisha gudahooda oo ka bilaabata maanta, ay ku yimaadan xarunta Wasaaradda, si loo hubiyo habsami-u-socodka Shaqadooda, waxaana uu ku hanjabay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono shirkaddii u hoggaansami wayda amarkaasi.

Hoos ka akhriso qoraalka Wasiirka

PUNTLAND POST