Madaxweyne Ku-Xigeenka Hirshabeelle oo Kulan La Qaatay Saraakiil ka tirsan AMISOM

Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Hirshabeelle ahna kusimaha Madaxweynaha Cali Cabdullahi Xuseen Guudlaawe ayaa Magaalada Jowhar kulan kula qaatay Saraakiil Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM.

Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle iyo Saraakiisha AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi ee ka howlgala Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ka wada hadlay arrimo kala duwan oo ku aadan maamulkaas.

Sidoo kale Cali Guudleewe ayaa Saraakiisha AMISOM kala hadlay sugida amniga degaanada Hirshabeelle iyo dardar gelinta hawlgalada ka dhan ah malayshiyaadka  Al-shabaab.

Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa shalay  Muqdisho kula kulmay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo Saraakiil ka tirsan ciidanka AMISOM, iyagoo ka wada hadlay arrimaha Ammaanka DeegaanadaHirshabelle iyo Qorshaha Xoreynta, furista Wadooyinka ay go’doomiyeen Al-shabaab.

PUNTLAND POST