Weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay Pakistan

Weerar ismiidaamin ah, ayaa la sheegayaa in uu  ka dhacay meel u dhaw goob  isu soo bax diini ah ka socday  magaalada Quetta ee dalka Pakistan.

Inta xaqiijiyay 7 qof ayaa ku geeriyootay, halka 25 kalena waa ku dhaawacantay qaraxaas.

Saraakiil u hadlay dowladda, ayaa waxaa ay sheegeen in nin wata mooto uu is qarxiyay, xili ciidamada amaanka ay su’aalo waydiinayeen, waxaana ay tilmaameen in baaritaano socdo

Weli ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarkaasi.

PUNTLAND POST